Heesta Hee yaa - Lyrics
Waan dhintaa waan dheelmadaa
Dhaayahaygaan kaa jeclaa
Waan dhaqaaqay hadaad i tidhi
Dhagar islaambaan soo duwaa
Heeyaaa aadooy huunoyaa
Ala hobaalin hobolow waa
Gibil ga guuraankii galbeed
Ama ma guuraha dooxa yaal
Gabay ma guura hadaad lahayd
Girirka guuraa raacayaa
Taana dumarbay igu dareen
Gororo caaneedbaa i helay
Sidii geedkaan u dhadhay
Ala sidii gumadkaan u gudhay
Geeleeshanii ma aragteen
Ala rageen gaagaabanee
Geela xeebta ku soofiyow
Guunyo baadiya ma aragteen