Heesta Niyadda ha iga sii dayn - Lyrics
sida faras nugaaleed
jacaylkaygii naaxiyee
nabadiidanada u xidhee
jacaylki naflaydiyo
nooluhu ogaayeen
ma uur nibiribuu galay
naf nugloonbaan ahay
biyihii naciimaay
nacabkii u diidayoo
ku haraaday naanida
nabad galyee
niyada ha iga sii dayn
nasanwaaga caashaqa
naxligiisa anigu
dhismahaaga la ii keen
nacdayoo dhankaaguu
ka nashuushadoobee
aniga uu igu nabanyahay
soo noqoshadiisuna
waa nooli kulantee
nabsiga aduunbaa
naas naasin doona