jacayl saymo weeyaan
si yar kuu haleelo
intuu soorta kaa jaro
soomal haad ku galiye

adaa seexanaayee
saranseer waxaan qabo
tuhunbaan sad moodaa

saxarada dabayshiyo
sanqadhahaan ka didaya
sida salaw ugaadhoo

sideed kun iyo boqol mayl
adigoo socdaal tagay
inaad saacad libidhaa
iga sooni maysoo

waxaan ahay sacaadaay
surinka kaa arkaayee
adiguna sidee tahay
ina ma ila socotaa

saan qaad caruureed
sugi maayoo caanaha
waalidkii u soo sido
jeeroo la siiyee

salaantaa hawadiyo
dabayluhu sidaanban
ku sabaa naftaydoo

wali way ii sawirantay
halkii aan sagootiga
sacabada ruxaayoo

intaan kuu samraayeen
waqtigaa sirgacaniyo
dhibta sahashaanaayaa
sabigii arimayoo

saxansaxo udgoonbay
saadaashu sheegtoo
sacbaa wayl dhalayee

safarkii dhaqaaqee
aniguna sugaayee
soo noqonba waayee

Exit mobile version