dareen jacaylbaa ila dagoo
dad iyo duunyo ma doonayee
dabeecadaad i deeqdayoo
inaan ku daayo ma dayi karee

ahaaahaa ahaaahaa

waxan haweenkii i duree
gabdhihii dalkeena uga didee
dugsi u mooday docdaaduun
dakhar jacaylbaan i doogto oo
markaan ku dayo dawoobayaa
dumar u rooneey hadalka uun
inta aanu duulin ila dhamee

anoo daraadaa u duubanoo
jacayl i daaray la dadanbaa
markaan ku doonay i diidoo
dacar i siisoo i dayrisee

ahaahaa ahaahaa

markaan ku daayeen dawo helay
miyuu dabkiisii kugu baxoo
sidii koob duura ololaysaa
dadyow bal eega nafsiganoo
damaca wiilkan u fiirsada
wuxuu daraato lumiyaybuu
imika dooni inuu heli

dur dur jacaylbaan dul tagayoo
darkii wadaantaan darsadayoo
markaan dig siiyaan dareemayoo
dibiradiisii la diidayee

ahaaahaa ahaaahaa

dooni jacaylbaa kula dagtee
adoon i daalin dabaalo oo
dantaada weeyee aan ku digee
dumar ha diidin danbayso oo

ahaahaa ahaahaaa

sidaad doonto maahee
ninku yuu dilin
siday doonto weeyee
inanta daa

Exit mobile version