Heesta Geda geda - Lyrics
Illahbaa kugu galaday
Aqoontiyo garashadoo
Wanaagad guud ahaan
Xishood iyo gaarinimo
Gabdhaha soomaliyeed
Gobtaa aad kala simantahay
Gabdhahu goortay kacaan
Bishiyo samahaa ku jira
Gayaankoodu xushiyo
Nin jecel uu guursado
Gada saan ka rabaa
Kashooyinka buuxsamiyo
Balidu galaclaynaye
Ka doortiyo maanka baxay
Dharaar aan la jiifsade
Intay kalka inoo ahayd
Bilicda kala mid tahay
Gabdhahu goortay kacaan
Bishiyo samahaa ku jira
Gayaankoodu xushiyo
Nin jecel uu guursado
Gada saan ka rabaa