VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Guux Jaceyl Ft Qaboojiye mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Cabdi qaboojiye
Guux Jaceyl Ft Qaboojiye

Qaboojiye
Waan kuu goo oo oo oo oo waan ku goobayaayee
gabal dhaciyo waabari goobyaalayaayoo guura socod ku daalee
waan ku goobayaayoo guura socod ku daalee
waxa aan la golangolay gacaltooyadaadoo
gasiinkaan cunayiyo hurdadii ka goayoo gogashii colownee
gayigaan balaadhka leh afartiisa geesood
dumar gabi ahaantood adaan kaaga goayoo
gadigood haweenkaba gabar kalle ma eegee
galiilyada i heysiyo gantaasha igu taagan iga gooyni weydee
waan kuu gooniyoobaye waadna igu gorancantee
garka muruqa laba suul gadeeban uqaataa

Fiska
Anigoon hoo hoo hooo anigon ku gooyneen
ku gohaadineynoo kuna galalufeynbaan kuu garcelinayaayee
anigoon ku goonbaan kuu gar celinayaayee
waxaan uga gon leeyahay oraah guuna baa tidhi
geedkii waleetaba intii xaaba gubi laheed waxey taal guntiisee
anba waa i galayoo goor ahaan habeenimo
galab gaab aheynbuu ila helay gantaalkoo
kii aan u geystanaa gacanta igu seydhee
gacalow jaceylkani kuma aana guuxinoo ka garaabimaayee
kuma aanan gariifine qalbigaadan galinoo
garka muruqa laba suul gees kalaan u jeeda

Qaboojiye
Waankuu goo hoo hoo hoo waan ku goobayaayee
guyaal iyo guyaal baan raadkaaga gurayoo kuna gaari waayee
waan ku goobayaayoo kuna gaari waayee
gacalkaad ka dhalatiyo inaan geedkii tago oon
gabaati iyo yarad iyo kaa bixyo geelbaan talo aan ku gaaree
gayaankeyna waa tahay guurna waan u jeeda
adna waad i gooysoo sidii aan gafaayaa
i gohaadisaayoo i garaabi weydee
galiilyada i heysiyo gantaasha igu taagan iga gooyni weydee
waan kuu gooniyoobaye waadna igu gorancantee
garka muruqa laba suul gadeeban uqaataa

Fiska
Anigoon hoo hoo hoo anigoon ku goyneen
qaan gaar ayaan ahoo guurkiyo jaceylkuna go’aankeyga weyaan
anigoon ku goynene go’aankeyga weyaan
gayigaan lahaayiyo inaad gaarta ehelkoo
lo’yaal gamaan iyo iga bixiso geel badan kugumaan ganaaxine
meel nasiib i geyn lahaa goob kastaba ha noqtee
geesuu calafku iga jiro  aananan aa kala  garaneyn
oo aan gayaan ahoo guurna lama huraan yahay
gacalow jaceylkani kuma aanan guuxinoo ka garaabimaayee
kuma aanan gariifine qalbigaadan galinoo
garka muruqa laba suul gees kalaan u jeeda

Lyrics by : Cumar

codkii Cabdi qaboojiye, Farhia Fiska