hablaha waa laga xushaa
siday tahay hooyaydeed
hufnaan ku barbaarisee

hirdoogo laacayiyo
hilaaca iftiimi yaay

hantida waxa loo dhagdaa
hubaal adigoo kalee

halyaybaa kuguursadoo
nasiibkaagii wad heshee
anana hanbal yiyo saalaan
ducaan kuu hibaynee
kusoo hooyo hoyga khayrka lee

hayaan waxa lagu furaa
rugtii helay roobku oo
caleen hawda liiyo
barwaagada laga helee

lamaane heshiiyaybaa
horyaal u ah nolosha oo

hadana waxay hiigsadan
hidaha waalidkii dhalee

Exit mobile version