Heesta Inanyahay gob baa tahay - Lyrics
Inanyahay gobaad tahay
Gob gobi dhashaadtahay
Gacal iyo xulbad tahay
Haween galo istaagoo
Haybad gaar ahaned
Guuleheen u siiyoo
loo geed fadhiistoo
Gudi ay ku kulantoo
Gole la isku siiyoo
La gudoontaybaad tahay
Gaari dhabanlebaad tahay
Iloo geesibaad tahay
In aroos lagu gangaamiyo
Gamaankii fardood iyo
Geel istaahilbaad tahay
gacalo hooyadaabaa
sumad gaara bixisoo
Mid is gaadhsanbad tahay
Guurkoo hagaagiyo
Ducaan kugu galbinaya
Guulayso waligaa
Ku nagoow guri wacan