VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Jacaylku - Lyrics

Sidii qorax joogta Dharaaro jirda gooye Jidhaamaha buuxshay Xareeduna jiifto Duluusi ma joohuu Taleel iyo doog leh 2× Jamaalkaag iyo muuqaa Marka aan ku jaleeco Ayaan ku jantaa Ayaan ku jantaa anigu 2× Naftayda jibaysan Jacaylkuna waalay Dhankeeda u jeedso Naftayda jibaysan Jacaylkuna waalay Dhankeeda u jeedso 2× Hadaan laba jaartay Jidhkoodiyo ruuxda Quluubtu is jiidan Xidhiidh jira maaha Jacaylkuna dhuuxa Jarmaadi dhinacayga 2× Ayaamaha jeelka Maxaa jiri xoogan Jidhkayga ku beeran Jidhkayga ku beeran 2× Naftaadaa jibaysan Jacaylkuna saaqay Anigaa u jihayne Naftaadaa jibaysan Jacaylkuna saaqay Anigaa u jihayne 2× Naftayda jibaysan Jacaylkuna saaqay Anigaa u jihayne Naftaadaa jibaysan Jacaylkuna waaley Dhankeeda u jeedso Anigaa u jihanynee Jacaylkuna waaley Dhankeeda u jeedso Jacaylkuna saaqay Anigaa u jihayne
Queue is empty
-- / --