Heesta Madal - Lyrics
madal la isu yimidoo
mudane iyo marwaba
dadku yahay macsuum
indho milicsigii
ii muuqatoo
muxibada kalgacal
igu meerisee
mililico jacayl igu meeriso
muxibada cishqiga
maalin iyo habeen
naftan aan mar qudha
kaa maarmi karin
sida maayad iyo
mawjada badaad
i muquurtayoo
maankayga iyo
maskaxdiyo qalbiga
dhex mushaaxdayoo
igu maqantee
ruux iga midoo
aan muuqanbaa
macaanow tahee
meeshaad ku taal
midigtiyo faraha
kuma muujin karo
marlayda dhamaan
magaaliyo miyiba
mudantoodiiyeey
milgo sharaf le iyo
adigaa marwaay
dumarka mudhoo
isu taagay meel
sida mayay da'ay iyo
miiraale roob
MAWLUHU shuboo
midhihii bixiyo
miligiyo nimcada
mahad lagu naqaad
ila tahay midoo