Heesta Seynab - Lyrics
ladanma leh jacaylkii
dadku uu dhalile
waxa la isku dhaafa
gabdho xeerinteediyo
dhaqan suuban weeye
gawiilotaw dhaqaaqa
dhaaxaynu murane
cagta ma u dhinaayo
daniga ma iska daynaa
shaqo ma dhowrnaa
dhibaatdan ku haysaa
ana dhaawaceegi
seynabey la dhuubtoo
waxa aan la dhaloola
wada dhalshadeeniyo
adigiyo dhalaankee
dhaaxaynu murane
cagta ma u dhinaayo
daniga ma iska daynaa
shaqo ma dhowrnaa
wali waa igu dheeryahay
caashaqa u dhoofe
dhalandhoolka u saare
gacanta aan u jiidhe
adna yaan dhankaagii
marwoy layga soo dhigin
dhaaxaynu murane
cagta ma u dhinaayo
daniga ma iska daynaa
shaqo ma dhowrnaa