Mudduu dalku kala xirnaa
Mariyo xiisiyo sanaag
Runtii laga maagayoo
Dadkuba uu tacab mutee

Haddii mowlaa ilaah
Muddaba arrinkii furfurayoo
Madkiyo noolka ufura oo
Maalkiyo xoolaha ugu deeq

Waddadu waa muraaydii
Muftaaxiyo horumarkii
Macnaa dawladnimo siddee
Mashquurcii dhaqaaqyee fulii

Mudduu dalku kala xirnaa
Macdanta ku duuganiyo
Sidii loo masruufi lahaa
Runtii laga maaganyahoo

Haddii maskax lagu cabbiro
Garàadku moodee yiri
Maansha allaah waa u farxade
Muruqa ku gargaar walaal

Waddadu waa muraaydii
Muftaaxiyo horumarkii
Macnaa dawladnimo siddee
Mashruucii dhaqaaqyee fulii

Mudduu dalka kala xirnaa
Bilicsiyo daawashiyo
Dalxiisaalka umacaan
Daaliyo meeshii qurxoon

Murtidu ku dabaal degtiyo
Maqaan sare baan rabee
Haddii marinkii aflaxay
Muruqa ku gargaar walaal

Waddadu waa muraaydii
Muftaaxiyo horumarkii
Macnaa dawladnimo siddee
Mashruucii dhaqaaqye fulii

Mudduu dalku kala xirnaa
Macdanta khayraadka yaal
Marsada xiisiyo sanaag
Jidkii loo mari lahaa

Ciddii maareeyn laheeyd
Bulshadu ku mashquulaysee
Mujaahid hadduu horkacay
Markale taageer walaal

Waddadu waa muraaydii
Muftaaxiyo horumarkii
Macnaa dawladnimo siddee
Mashruucii dhaqaaqyee fulii

Exit mobile version