Heesta Xil - Lyrics
Hanaankii dawladnimo
Iyadoo dibindaabyo jirin
Wanaag ku dabaal dagoo
Dadkayga Somaliland
Danbay wada leeyihiin
Dareenkay muujiyaan
Dunidu wada yaabantoo
Doonidu way shiraqataye
Daraato hogaamiye
Si sharaf kaga tagoo
Hadana waxaad doorateen
Ninkii idin daadihin lahaa
Balaaydu dayranoo
Ishii cadawgeen duwane
Dalkeeni hore hayaaye
Dhamaan sowada duceeya
Dastuurka ilaalintiisa
Iyadoo daacad laga yahay
Xornimo loo wada codeeyo
Dadkayga Somaliland
Dabciga waa wada walaal
Hadalkay muujiyaan
Dunidu faalaynaysaayo
Dayaxii wuu soo baxee
Danbaysana waan arkaa
Wanaag soo dahiro
Hadana waxaad doorateen
Ninkii idin daadihin lahaa
Balaaydu dayranoo
Ishii cadawgeen duwane