Heesta Jacayl dhibkiisa - Lyrics
Anoo da,yar oo dhalaan ah
Jaceylna arag dhibtiisa
Ama dhaawac lurkiisa
Shaki iyo dhalanteed u heystaa.
Dareen dhaayaha ka beermey
Intuu dhiigeyga raacey
Dhamaan waaxyaha ku faafey.
Dhigii ragba kaan ka doortoow
Midkaan dhaqashaba diidoow
Hadaanad ila dhameyn miyey
Noloshu dhadhan leedahey.
Adoo dheeman iyo luul ah
Dheehiyo midab kaagan guudka
U eeg dhowrsaneey qureyshta
Dhaqaaq joogiyo hanaankaa.
Dhabtii maankaad ku taalo
Intaad dhuuxeyga raacdey
Maxaan dhur sugey ayaamo.
Dhigeed gayaan taan ka doortaay
Midaan dhaqashaba u diidey
Hadaanan kula dhameyn
Miyey dhadhan noloshu yeelan.