VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Ku ogali - Lyrics

Waa Ubax ubax Jaceylkaagu Waa Udug udug xasuustiisu Waa ilays dareenkayga Iyo deeq Alley siiyay 2× Qofkastaba ishaartiisa Fikirkiyo odhaahdiisa Marka laysku wada aadsho Quruxdii Arliga tiilay Adigaa hantiyay Hantiyay hantiyay Adigaa hantiyay Hantiyay doorkan 2× Anigana Jaceyl adaa leh awood Adaa ruuxda ku abuurayoo deeqay Farxadana iftiinkeeda Adigoo Qudhaa daara Farxadana iftiinkeeda Adigoo Qudhaa daara Ku ogoli ku ogoli iguna waynid Saw saw ma tihid Aduunkayga Ku ogoli ku ogoli iguna waynid Saw saw ma tihid Aduunkayga 2× Waa istaahil istaahil midowgeenu Waa Aayatiin hoy ayatiinkeena Waa Aniga Noloshayda Iyo Adiga Guushaada 2× Is Afgaradka labadeena Uursami daryeelkeena Is Adeeca labadeena Iyo Oofin wacadkeena Bulshadaa Amaanaysa Amaanaysa bulshadaa Amaanaysa amaanaysa 2× Anigana Jaceyl adaa leh awood Adaa ruuxda ku abuurayoo deeqay Farxadana iftiinkeeda Adigoo Qudhaa daara Farxadana iftiinkeeda Adigoo Qudhaa daara Ku ogoli ku ogoli iguna waynid Saw saw ma tihid Aduunkayga Ku ogoli ku ogoli iguna waynid Saw saw ma tihid Aduunkayga 2×
Queue is empty
-- / --