ma goyn wacadkaan lagalay
magabin xilkaan usiday
ma gudhin xiisahaan uqabay
garowshaa la,aantaa dantaa
nin galafsada maan ahayn
dhibaato anigoon ugaysan
xilkeedana ka gaabin
xaqeeduna geed usaaran
geedi anigoon la guuursan
gabdhaha kaligeed ka doortay
maxay ka duday aan ugaystay
maxaa gubay ka guurtay
maxaa guboon u gaystay

ma gabin qawlkaan ku idhi
ma falin godob aan ka galay
ma gudin gogoshaan ku laday
gonoska eedan taalay
ninkaa gaya maan ahayn
gacan inigoon ugaysan
daryeelkeedana ka gaabsan
gafkeedana aan ku dayrin
geedi anigoon la guuursan
gabdhaha kaligeed ka doortay
maxay ka duday aan ugaystay
maxaa gubay ka guurtay
maxaa guboon u gaystay

Exit mobile version