millic kama hadhgalo
kama hoydo dhaxamaha
wakhtiguna dhanbuu iga dhaafayaa
ifka dhagar magaline
maxaa dhibay naftaydii
dhalinyarow aan dhoolbaxay
lamoodyee wadnaha
tii ku dhararnayd
aan kala dhursugaynaa
nakala dhexgalay
nolol kala dhimanoo
maan dhimanin
maanigii dhulkow
kama dheeri
dhayal caashaq maahee
dhugta tayda

ma dhadhamiyo soor
kama dhuunto bahalaha
taladuna dhanbay
iga dhaafaysaa
sow dhaqan wanaagii
dhibtu iima saarnay
dhalinyarow
dhool baxay lamoodii
wadnaha tii ku dherernayd
aan kala dhursugaynaa
nakala dhexgalay
nolo kala dhaqaaqnoo
ma dhimanin
kuma nagi dhulkoo
kama dheeri
dhayal caashaq maahee
dhugta tayda

Exit mobile version