Heesta Moraalka mid iidhistaa - Lyrics
mugdi gobaan gobaan gobaan igu cidlayn
marnaba maal igu xujayn
mushaakil naftayda badin
maseerkeeduna naf jarin
ayaa dhexda iigu maran
hooy maseerkeeduna naf jarin
ayaa dhexda iigu maran
midaan nacab ii maleegin
masiibana ii horseedin
martida soortoo wanaagsan
kartina mawli ugu deeqay
ayaan mulkiyoon hantiyay
hooy kartina mawle ugu deeqay
ayaan mulkiyoon hantiyay
mooraalka mid ii dhistoo
marnaba niyada iga jabin
nolosha ila maamushoo
makhluuq iigu jecel
ayaa marwaday ahaatay
nolasha ila maamushoo
makhluuq ani iigu jecel
ayaa marwaday ahaatay
layla layla layla ayaa marwaday ahaatay
gaari aan aan mudan aqoon
dadkana iska maagin
mahdiya nasaboo fariida
milgiyo dhaqanloo xariira
ayaa maankay ku qoran
midaan taladeed maqloo
soor iyo malab igu jashoo
mid daalka iga maydho
kashaydana marxabaysa
ayaan mutayoo bashaasha
kashaydana marxabaysa
ayaan mutayoo bashaasha
mooraalka mid ii dhistoo
marnaba niyada iga jabin
nolosha ila maamushoo
makhluuq iigu jecel
ayaa marwaday ahaatay
nolasha ila maamushoo
makhluuq ani iigu jecel
ayaa marwaday ahaatay
ayay layli ii ahaatay