dadka ruuxa kuunugul
niyadiisa kugu qoray
oo adi ku naawilay
naxariisna kaa filay
nacab looma quudhee
nabsigaygu yuu liid
iyo naafo kaa dhigin
adigoo nuskaygiyo
kuu qabo naftaydii
sidii nacabka ha iididin
neecow laquutiyo
sida neefta ugu xidhay
kalmad naara ha i odhan

dadka ruuxa kuu nool
niyadiisa kugu nabay
ee adiga nuuriyo
laliifaayo aad utahay
ee nabar xanuunliyo
kaajira nitaaqada
naxli laguma sooree
adigoon nuskaygiyo
kuu qabo naftaydii
sidii nacabka ha iididin
neecow laquutiyo
sida neefta ugu xidhay
kalmad naara ha ii odhan

Exit mobile version