VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Rabash - Lyrics

waan kuu roonahay kuu raxleeyaa waad i riiqdaa waad i rabashtaa dhisme reerbaan u rafaadaa adna riyadaad hadba rafacdaa rabidaadaan raali galiyaa adna rubadaad ablay ruubtaa rarna dhabarkaad ii rasaysaa markaad roortee sii ruclaysana rarankaagii kama raystee rabshadaadii waaban raadshaa rug caleenlaan inoo raadshaa raas qabawbaa raacdo ku helaa hayinbaan reer ku raseeyaa adna ratigaad hararkaa ka dhigta laba rukunbaan isla raadshaa raandhiis aqalbaan RABI ka baryaa adna raxmadaad raagsanaysaa
Queue is empty
-- / --