Heesta Diraaya - Lyrics
anigu dulmi kuguma hayo
daraasad ceeb sameeya
marnaba kula doonan maayo
haduu dumay caashaqeeni
intan doqon soo kaxaysto
xantaada soo daliilin maayo
dadkii adi kaa xumaana
damiirku i raacin maayo
hadii dareemi wayday
kuwa isku keen diraya
intaan kaco daakiraada
ayuunban kuu duceyni
marnaba ku dalaaqi maayo
way anigu ku dagaali maayo
dariiqa intaan istaago
ceebtaada kudiirsan mayo
dareenku hadu dhamaado
intan dab shido dhankayga
dulqaadka iloobi maayo
anigoo daganaan arkaaya
xumaha door moodi maayo
hadii dareemi wayday
kuwa isku keen diraya
intaan kaco daakiraada
ayuunban kuu duceyni
marnaba ku dalaaqi maayo