Heesta Munaay - Lyrics
Sidii musbax iyo mulaax dumaree
Marwadii sharaftiyo milgaha sidatee
Qalbiga miratee imaan qaadaay
Gacanta midigiyo Mataantii naftaay
Aan kaa maarminee munaay marqura
Meher dhacayiyo mudnaano aroos
Adoo maqan baan muleestaayee
Xiisuhu igu mudan macaan quraxeey
Munaay maankayga jacaylka ku maaxay
Munaay niyadeeda halkaan kugu muusay
Munaay sadrigayga bartaay ku mudnaatay
Munaay kaama maarmo macaan aragaada
Maruun garan murugadaan qabo
Macaan soo dhoof muddaan kusagayee
Adoon maqanoo mareekan jiraa
maankii iyo qalbiga meel ka dagtayoo
Jigijigaa malyan jeer munaay kaa muuxdaa
Miyaan laday mareer xalay gamay
Mirtii riyadaan macaansadayoo
Bogaad mirataa muraaqoodoo
Muraar dilaac makaan doosaaba
Dartaa muxibadu imaan qaadee
Munaay maankayga jacaylka ku maaxday
Munaay niyadeeda halkaan kugu muusay
Munaay sadrigayga bartaay ku mudnaatay
Munaay kaaga maarmo macaan aragaada
Maruun garan murugadaan qabo
Macaan soo dhoof mudaan kusagayee