VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Nasiibka - Lyrics

nasiibka i baal marow nac iyo xumo kuuma qabo nacabka igu wiirsadow nafsaan kugu reebayaa nitaaqo i gaadhayeey noloshu way ii samaan niyada ruux iga jabshow naruuro hor laan arkaan naxliga kuwa beerayow nal soo ifayaan arkaa nal soo nal soo ifayaan arkaa nashuushkuba waa dhibkee nafbaan nafaqaynayaa nuskeedii laga jaroo nugaylka iigu wacan xusuusaha naadirka ah nugaylka iigu wacan xusuusaha naadirka ah nabarka i kacdoomayow nasiino hadmaad i siin neerfaha i boodboodayow naagaanshaan kaa rabaa nuxuusta jacayl dishaay nasrigii uu soo socdaa nusqaanta i weerartaay nuuriyo kaahbaan arkaa naqii shalay baaqdayow nabaad baxayaan arkaa nabaad nabaad baxayaan arkaa nashuushkuba waa dhibkee nafbaan nafaqaynayaa nuskeedii laga jaroo nugaylka iigu wacan xusuusaha naadirka ah nugaylka iigu wacan xusuusaha naadirka ah
Queue is empty
-- / --