VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Qiimo badan - Lyrics

Hadii buuraha qotoma Aniga dahab la iig qodo Adaa iiga qiimo badanee Quluubta u sheeg Xabiibi u sheeg Quluubta u sheeg Inaad qarankaygi tahay 2× Dadbaa quruxdeena iyo Dhibsada farxadaan qabnoo Markaan qosolnaba naxee Markaan qosolnaba naxee 2× Hadaan laabtayda qalo Ku qoro magacaaga bilan Cad qaasana kaaga jaro Wadnuhu qeybtu ku yaal Miyaanu tolow qancayn Qancayn haduu qalbigiisu noolyahay Haduu qalbigiisu noolyahay Qofkii isla keen necbaa 2× Anigaa qisadayda dhami Qofkay ka bilaabantaay Intaan ifka la iga qarin Quluubta u sheeg Xabiibi u sheeg Quluubta u sheeg Qudhayda adaa iska lahee 2× Qiyaasba jacaylka badan Anaa adi kuu qaboo Hankaa ku madow tahee Hankaygaad ku madaw tahee 2× Hadaan laabtayda qalo Ku qoro magacaaga bilan Cad qaasana kaaga jaro Wadnuhu qeybtu ku yaal Miyaanu tolow qancayn Qancayn haduu qalbigiisu noolyahay Haduu qalbigiisu noolyahay Qofkii isla keen necbaa 2×
Queue is empty
-- / --