VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Xasili - Lyrics

Xurmaa lagu sidaa jacaylka Xeerkiisuna waa go'aanka Xafidi wacadkiyo heshiiska Markaan kaa xushay haweenka Sootaad xiisihii kalgacalka Xilkiisa ku qaadday guudka Macaan ha iga jarin xiriiirki Gacalo ha iga jarin xiriirka Xusuustiyo laakacdoonka Adaa ku xawilay maanka Lubbiga kuu haya xaqdhawrka Xabiibi uqabo hoggaanka Wanaag ku xasili jacaylka Xubigo kuma samo ragaadka Xumaantiyo kala go'doonka Xag un ugu tali jacaylka Haddaad xeerineeyn dulqaadka Qalpiga xaaraniyo ismaqalka Xaq weeyaan kalgacalka Kasaaro xiska iyo dareenka Xusuustiyo laab kacdoonka Ada ku xawilay maanka Lubiga kuu haya xaqdhawrka Xabiibi uqabo hoggaanka Wanaag ku xasili jacaylka
Queue is empty
-- / --