anoo meel nabaad liyo
neecaw qabaw iyo
naxariista kula jecel

adaa gooyay nabadii
igu sheegay nacasoo
nacabkeenii weheshaday

nafsadii aan kuu huray
xiisaheenii noolaa
adaa damiyay nuurkii

noloshayda inanyahay
inaan kuu nuglaadiyo
maba karo naxuustee
ku nagaw aduunyada
nafsina kuma soo diro

anoo meel nimciyo roob
naqu uu cagaariyoo
kula raba nasteexada

adaa jabiyay niyadii
naxli galiyay caashaqa
nasiibkeenii quudhsaday

nidarkii aan kuu galay
nabdigiyo kalgacalkii
adaa u dhigay nitaaqada

Exit mobile version