waa dabaaldeg waynoo
daa,im uu fudaydshoo
dacalada dhulkeeniyo
daafaha aduunyada
loo wada darero
neecaw dareenliyo
daruur caafimaadiyo
dalkeenii ttabaayoo
ictiraaf da,aysaa
dusheenii ku hoortoo
dabayshii aqqoonsiga
damashii ruxaysoo
ducdeenii toostee
damaashaad allahayow

dubaaqayga maan galin
dhiig inaan ku doorsado
nabadayda duugoo
xumaana aan ka doorbido
dastuurkayga kuma dhigine
dadaal iyo aqoon baa
dayaxaa ku geeyee
doorkaan maanta taagnahay
daa,im mahadii weeyoo
ku mutaystay darajee
dabayshii aqqoonsiga
damashii ruxaysoo
ducdeenii toostee
damaashaad allahayow

Exit mobile version