VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Haboon - Lyrics

Hubqaad quruxdeeda bilan Habkiyo dabcigeeda wacan Hagoogta asluubta badan Hankay dumar dheertahee Sideen ku hilmaamayaa Hilinka muqdishiyo kismaayo Hoheey garoowe iyo sool Hoygii batalaale sheekh Halkaa gaarisiyo war dheer Ilaa hargaysiyo wajeer Haboon waan ka raadiyoo Intaa waan haybiyaaye Hubaal dalka wada maroo Manaan helin taan rabee Malaha holandbay tagtee Sideen ugu haajiraa Malaha canaday tagtee Sideen ugu haajiraa Hubaal dalka wada maroo Manaan helin taan rabee Malaha norwaybay tagtee Sidaan ugu haajiraa Malaha jarmalkay tagtee Sideen ugu haajiraa Haboon xubnaheeda dhilan Xiskiyo hiyigeeda nugul Hufnaanta garaadka bilan Xulbay hablaha u tahee Sideen uga hadhi karaa Haboon muuqeeda shidan Xiskiyo hiyigeeda nugul Hufnaanta garaadka bilan Xulbay hablaha u tahee Sideen uga hadhi karaa Halkaa galbeediyo jigjiga Hoheey awdaliyo togdheer Hoygii badhaniyo jabuuti Ilaa hareeraha nuugaal Baradii herar iyo adis Haboon waan ka raadiyo Intaa waan haybiyaa Hubaal dalka wada maroo Kamaan helin taan rabee Malaha iswiskay tagtee Sideen ugu haajiraa Malaha englandbay tagtee Sideen ugu haajiraa Hubaal dalka wada maroo Kamaan helin taan rabee Malaha ustareey tagtee Sideen ugu haajiraa Malaha filandbay tagtee Sideen ugu haajiraa
Queue is empty
-- / --