VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Qaamuus jacayl - Lyrics

ilayn qof laba nafood leh qaybtiisii kale maqantay inuu qarwo oo bukoodo qandhadu ay ku sii siyaado qushiye waa wehel la'aanta dhagaha qawlkeeda doonaa markay qunyar ku dhawaaqdo ilayn qosolkeeda maanka qalbiga oomanbaa dawooba jacaylka qofkii la nool inuu qaban waayo jiifka amase qaayibo xasuuso qaamuuska ayay ku tiilay ruuxaad qalbigaaga siisay halbawlaha maanka qaatay hadaad qadar sikinaba waydo qofbaa warwartoo dareenta indhaha u quba ilmada
Queue is empty
-- / --