ilayn sahal maahee
sawtuu jacay i helee
soortii cuni waayaye
sahwiyeen dartaa
sasanahee caashaqagee
aawgaa seexan waayaye

anba waa sidaadee
sadrigiyo beerka
adaa ku samaysanoo
runtii laabta seexdayoo
bogaan subag kuu marshoo
naftan badh ku siiyayee

sidii rooneey
SAATIRbaa ina siiyee
sakeenii helnee
EEBOW noo siyaadi

sidii rooneey
SAATIRBAA ina siiyee
samaynay jacayle
EEBOW noo siyaadi

sidii rooneey
SAATIRbaa ina siiyee
sakeenii helnee
EEBOW noo siyaadi

sidii rooneey
SAATIRBAA ina siiyee
samaynay jacayle
EEBOW noo siyaadi

Exit mobile version