naftu tay dhursugaysee
dhul fog kaga maqnaydeey
axdi aynu dhiganaay
miyaad dhaaftay wacadkii

dhiigii naftaydoow
inaan dhigo jacaylkoo
axdigeenii dhaafaa
miyay dhici karaysaa

dhawrtaye jacaylkii
dhibtu ha ina daayee
ma dhisnaa jacaylkoo
dhaqaalaha ma bixiyaa

cishqigeena dhaxal galay
adba maad dhantaaline
kuma xidhin dhaqaalee
dhismuhuun inagu hoy

qof ku garasho dhaamaa
dhulka maanta joogine
farxad aan dhamaaniyo
xubi dhaba igula waar

Exit mobile version