VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Jabuuti - Lyrics

Jabuutaay masraa tahay Manadii ifkaa tahay Madal nabadi taaloo Masiibiyo balaayaba Mawluhu ka dayryoo Makaan khayr qabaa tahay 2× Caradaadu waa hodan Magacaagu waa sharaf Dadkaagaa leh maamuus Muslim weeye loo bogay 2× Muuw qeynay aduunyada Marinka isku xidhayee Laga maarminbaad tahay Taariikh muhiimaad U mariimo tahayoo Murti iyo hidiyo dhaqan Macno leh baad ku caan tahay 2× Masaakiinta sooraay Agoomaha milgeeyaay Nabsi dhab u ciseeyaay Maqaam awliyaadeey Mahuraankii geeskaay 2× Ana muxibadaadaa Nar kastaba ku xidhanoo Jabuutaay ma moogani Milgihii inaad tahay Ma huraankii dhaxalkee Malyuun jeer ku faanaay Waligaaba muuqoo Milgihiyo karaamada Waligaaba muuqoo Milgihiyo karaamada Meel sare ku gaadhoo Dhibta mawle kaa dayr Meel sare ku gaadhoo Dhibta mawle kaa dayr 2× Meel sare ku gaadhoo Dhibta mawle kaa dayr Meel sare ku gaadhoo Dhibta mawle kaa dayr
Queue is empty
-- / --