VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Labadeena - Lyrics

Labadeenu waa iska helnoo Waa isku soo hilawnaayoo Jacayl buuxa hana qaadnoo Sidaan kuugu hagar baxay baad Adna iila haysaa 2x Heedu way ku doontoo Ma hawaysto Ruux kale oo Aday kuu han wan tahayoo Habeen iyo dharaartiiba Aawadaa hadaaqaa 2x Ma huraantii noloshaydaay Hiiliyay hablaha kacay Hubaal adigaa iga mudan Hooy wada galkeenuna Kii lagu farxee hir gala Haka dhigo ilaahay 2x Habsaameey hanaan quruxeey Waxa tahay halhayskaygoo Hada iyo hadhowtolaba Inan hedhe kaa maarmo Kaa hadho miyaan karayaa 2x Kugu qoray halbowlaha oo Qalbigiyo xiskaad hanatoo Waan kugu hamiyayaayoo Waxa tahay had iyo jeer e Gaaridaan u heelanahay 2x Ma huraantii noloshaydaay Hiiliyay hablaha kacay Hubaal adigaa iga mudan Hooy wada galkeenuna Kii lagu farxee hir gala Haka dhigo ilaahay 2x
Queue is empty
-- / --