bidhaan taadu dareen igu beerta
ubuseelay dartaa bohol yoobay
dhidibeeyay boga kugu ilaashay

baafintaada naftaydu ubaahan
bogan wayday hudo kugu buuxada
been hamoodin bilaasha ha uqaadan
xiiso biiray bariidadaadu weeyi

kuu bogoo adigaa igu banaan
jacal keena bilaammay bogaadi
ubadheedh adigoon ubakhaylin
isku soobaxaynaaye bushaaro

farxad buura jacal
kubilaabmay ku barbaaray
dareen ku badhaadhay
adiga ibaroo igu beeray

qalbi baaban ubaahan codkaaga
boqol jeert ka baraaruga jiifaka
nafbogsiiya agtaada bidaysa
kaalay baano adigoo barbarjooga

kuu bogoo adigaa igu banaan
jacal keena bilaammay bogaadi
ubadheedh adigoon ubakhaylin
isku soobaxaynaaye bushaaro

Exit mobile version