dayaay muuqa wacan dayaay
dayaay ku daraan daree
dookhaan rabiyo waa dadkaygi
taniye dag dagbuu jacayl
qofka daawadaa dalka baadadkiyo
ku dameen indhuhu
dar darweeyi tani la iiso dire
jacaylkeda daran ha iga daadage
saarkii duleed durbaan iiga tuma
hayaay dibnaha hayaay hayaay
dabarkiyo ilkaha
yartu daaranaa daadax weeyi shidane
allaw yaa dushiyo dagta saarta oo
dafa oo ishiyo ka qarsada dadkaba
dawakh weeyi tani la igu dawgalee
dareenkay sidaa ha iga daadagee