VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dhaan - Lyrics

sidii dhal quraysh qurxoon dhabanlaay sidii dhamas geed dherer jooglaay sidii dhabi baxay u dhiibsanidaa dhankastoon dayo dhamaysanidaa raacday dhiigoo hadhsatay dhuuxe eray dhadhan wacan i dhihi ogidaa sidii dhalaankii i dhawri ogidaa sidii dhaktarkana i dhayi ogidaa rag i dhaafshaay lafta dhabarkaay i dhiiriya afardhaan i dhisi ogidaa ii samra ima dhiba dhago ii lihidaa dhawaaqaygana dhabayn ogidaa bilic dhaladiyo midab dhabahleey sidii roob la dhac dhalaal muuq leey siduu yidhi dhaqan u dhawrsanidaa amaantii dhabeel dhamaan lihidaa dhaayo meel kale dhugasho diidee jawi xiiso dhiga dhabayn ogidaa sidii xalay dhalay dhibtaylo necbida sidii dhami geel i dhaadan ogidaa
Queue is empty
-- / --