VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dumar waa ilays - Lyrics

Dumar waa ilays
Dumar waa iftiin
Dumar waa astaan
Naxariis alloooo
Dumar waa indhaha
Adhaxdiyo kasmada
Umad leedahooo
Waa nolosha idil
Udubkeeda dhexe

Waa ababsha iyo
Hooyo erey na bara
Marna waa afada
Aqal nala dhistoo
Marna waaba inan
Walaal nala ahoo
Aynu eeganee miyay
Eed gayaaan

Bal eega ragoon ninkay
Iin tiraan waa aar libaax kasa
Ehelsan dumar qiimaysan yahay

Bal eega ragoow
Aqalkay dumar
Iin uga ba'aan
Uu urursan yahay
Uu udgoon yahoo
Uu amaanan yahee
Miyay eed gayaan

Page ii

Dumar waa asxaan
Dumar waa ayaan
Waa nasiib aliyo
Deeq ilaahayooo
Dumar waa udbaha
Dhigihiyo ebyaha
Noole eersadoo
Waa aduunka idil
Nuurkuu ifsado


Waa urursha iyo
Umad wada sidoo
Marna waa ogaal
Aqoon badan lahoo
Marna waaba umo
Agoon koriya'oo
Aabo noqota'ee
Miyay eed gayaan

Bal eega ragoon ninkay
Iin tiraan waa aar libaax kasa
Ehelsan dumar qiimaysan yahay

Bal eega ragoow
Aqalkay dumar
Iin uga ba'aan
Uu urursan yahay
Uu udgoon yahoo
Uu amaanan yahee
Miyay eed gayaan

Queue is empty
-- / --