VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Eegmo koris - Lyrics

Dhaayo aragaaga raba Dareen eegmada ka hela Odhaahda codkaaga bila Dhagtaan aadmiga la simin 2x Udgoonkaagiye carfiga Waxa eheshada qalbiga Arwaaxda naftaydan bay Agtaandani wehel u tahay 2x Astaan qurux lagu xardhoo Asataan iyo dhaqan haboon Amaan ku mutaysatoo Asaageed daawadaay Waxa tahay eegma koris 2x Ilwaadkiyo lurka badan Abuurta rabaanigaa Korkaaga samo ka idil Dadkii ashqaraar ku riday 2x Aqoontaadiyo kartida Aduunkaa marag furoo Kasha indho daalisaye Ilko dabarka le ku maqan 2x Astaan qurux lagu xardhoo Asluub iyo dhaqan haboon Amaan ku mutaysatoo Aduunyadu daawataay Waxa tahay eegma koris 2x
Queue is empty
-- / --