inkastooy xidiguhu habeen
iftiin badan yihiin aroortii
bay awooda qoraxdu inaga damisaa
araartaydiyo ujeedada guud aan
abaarnoo kuu asteeyee
aduun fahmooy hablaba
intii la eegi jiray inay asal
yihiin la aaminsanaa
markaad agtimaa
ilwaadkaagii ka dhigay eberoo
indhihii ku arkaan iyaga qabanan
inaan baa quruxdeeda
abwaanadu hees ilan
abidkood kamay alifin
hadaad aamin qudha
ah umuuqan lahayd
amaantaadaa adkaan lahaydoo
ogoow may heleen erayo qeexaba

Exit mobile version