Hanaan Socodka Laafyaha
Hagar Li’i Wax Qabashada
Hindisihiyo Faalada
Soo hab Celinta Sheekada

Hadaan Caano Lagu Habin
Aman Hooyadeed Korin
Mahayseen Asluubtaa
Edabtiyo Xishoodkee

Waxa Kugu Haboonaa Istareey
Adoo xafaddii Hodan
Jidka fooqa hoos mara
Hareerahii ubaxa leh
Habeen ciidda tahay
Adoo xiddaha xeran
Hoteelkii taleex baan
Heedhe kugu casuuma

Hal Irmaan Sidig Iyo
Haleel Aad Ku Maashaa
Dhalinyara Hobshaysiyo
Hablo Kuu Ciyaaraan Istarey

Sida Geel Hilaac Baxay
Hoodiyo Danood Helay
Oo Horseed U Maqan Yahay
Higsanaaya Goor Wacan

Hiyigiyo Naftaydii
Adaa Hebed Ka Dhigayoo
Hilbahaygi Saafoo
Haween iiga Laacee

Waxa Kugu Haboonaa Istarey
Hareeraha Nugaaleed
Kayn Wada Hareeriya
Marka Roobku Uu Helo
Oo Xareedu Haradiyo
Hoos Jiifto Geedaha

Hal Irmaan Sidig Iyo
Haleel Aad Ku Maashaa
Dhalinyara Hobshaysiyo
Hablo Kuu Ciyaaraan Istarey

Exit mobile version