VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Kaafiyaa - Lyrics

kuligood haweenkiyo habluhu wada karaama leh odhan maayo kaligay qurux baad u tahay kaw waxse aad kun iyo boqol kufkaa dumarka dheertahay kaska iyo garaadkiyo kal adeeca maqalkiyo xishoodkiyo kalsoonida koobka ku qaaday waa sharaf indho ku arkay kohashada marna kaama daalaan ruuxaad maalin kulantaan ma kaaftoomo lahashada maraawaaxid kaafiya waloow kaalintaadaa qof kafayn karaayiyo ruux kooobsadaa jirin kibir waad ka madhan tahay waxse aad kol iyo laba ii tahay kalkaaliso ana kalmadaadaan ku korshaa jacaylkoo sidaad ii kabaysaan kadeed kaaga dhawraa indho ku arkay kohashada marna kaama daalaan ruuxaad maalin kulantaan ma kaaftoomo lahashada maraawaaxid kaafiya
Queue is empty
-- / --