VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Kun ka mudan - Lyrics

Sidii kaaha waa Kawnka nuuriyaay
Sidii kaymo ubax indho kaafiyay
Sidii dhibica karin isha doojiyaay

Kun ka mudan kamilan
Indheer garad kariman
Kuli dumar ka bilan
Kufkeed kali qurxoon
Oo kaala kal ladhan
Hanka iyo kas badan
I kaaba i kaba
I koolkoolin diran

Kalmadaadu ani waa kiiniin
Kaftankaagu ani waa ii kasiin
Kulankaagu ani waa ii kabniin

Sidii kal hilaacbaad ifkeena tahay
Sidii koob naqlehbaad kal nasiya tahay
Farxad kordhiyaay xiskaad kaal u tahay

Kun ka roon hablaha qurux kow ka ihid
Hankorshaay qalbiga xasuus kayd ku lihi
Ma kalifa ma kada naf kabaal u ihid
Oo dareen kasa kolba qareen la ihideey

Queue is empty
-- / --