VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Laba aan - Lyrics

Laba aan mar qudha kala maarmin Labadii is maqlee ma huraana Miyirkoodiyo maanka Mideeya Ee macaansada midigta Ahaada Laba aan mar qudha kala maarmin Labadii is maqlee ma huraana Miyirkoodiyo maanka Mideeya Ee macaansada midigta Ahaada Dhulku waa maxabayn Iyo muuno Wax kastoo mamaloo Makalaaya Maraboob sideed u marmaaya Ee jacaylka mudaaya Ka moosa Axmadoow murtidaan Maldahaayo Docda aan mariyee I dhagayso Mudantaan midigteeda Ku siiyay U miciin caawa waa Magantaaye Marti khaasa sideeda U maamul Waa muraayad seedi Wanaaji Axmadoow murtidaan Maldahaayo Docda aan mariyee I dhagayso Mudantaan midigteeda Ku siiyay U miciin caawa waa Magantaaye Marti khaasa sideeda U maamul Waa muraayad seedi Wanaaji Galgacayl malaboo midho Fiican Labadii milgihiisa Magaadsha Si mug weyn leh dareenka U muuja Ku macaasha maxsuulka Ahaada Galgacayl malaboo midho Fiican Labadii milgihiisa Magaadsha Si mug weyn leh dareenka U muuja Ku macaasha maxsuulka Ahaada Xubi buuqa sidii maka Nuur leh Idinkaa mulkiyoo duco Maalay Wax kastoo murug loo Muran keenay Idinkaa manciyoo micno Keenay Xubi buuqa sidii maka Nuur leh Idinkaa mulkiyoo duco Maalay Wax kastoo murug loo Muran keenay Idinkaa manciyoo micno Keenay Axmadoow murtidaan Maldahaayo Docda aan mariyee I dhagayso Mudantaan midigteeda Ku siiyay U miciin caawa waa Magantaaye Marti khaasa sideeda U maamul Waa muraayad seedi Wanaaji Axmadoow murtidaan Maldahaayo Docda aan mariyee I dhagayso Mudantaan midigteeda Ku siiyay U miciin caawa waa Magantaaye Marti khaasa sideeda U maamul Waa muraayad seedi Wanaaji Axmadoow murtidaan Maldahaayo Docda aan mariyee I dhagayso Mudantaan midigteeda Ku siiyay U miciin caawa waa Magantaaye Marti khaasa sideeda U maamul Waa muraayad seedi Wanaaji
Queue is empty
-- / --