Laba nolosha ku midoobey
Laba guule ku manaystay
Muxibiyo kalgacal gaara
Laba maaley duco waalid
2x
Ku murtaaxey guushooda
Waa muraayad ehel caashaq
Laba mudan in loo heeso
Waa tihiin la muuneeyo
Ku macsuunlii waa idinkaa
2x
Ku kaca ay kalgacal miidhan
Muxibada dad wada taagan
Soo dhaweyn mashxarad gaara
La diyaara mudnaantiinan
2x
Mindidiyo walxaha keega
Lagu jaro maraa waaxid
Muxibada is weydaarsha
Waa diyaar malgaacadiiye
Laba midig ku kala qaata
Midba kiina kale hoo ham
Ha yidhaa macaan ii cun
Ala mahadii weeyaane
Maamuus ku taga hoyga
Maamuus ku taga hoyga
3x

Exit mobile version