VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Macalimadii aduunka - Lyrics

Malab kaad macanka Ku dhaaftay miskigaad Udgoon ka mataashay Midab kaagu waa Maariinka mas ciideed Dhalaal lagu moosay X2 Dulqaad mowluhu kugu Miisay waxaad tahay Midaan mar imaagin Mur minoo xaqiiqda Ka maagin ugu mudan Mar wooyinka noolba X2 Maanka iyo kashaad Mirataaye miyir kaygiyey Ihor muuqo maamulka Igahay ha maqnaanin Minit qura naftaan Maar maynine X2 Murug tira xanuun Iga Maydha malmaha dhib Jira maareeya marka Aan qaldamo qosol Muujaay macaan kii Ifkaay ku majiirtay X2 Dayax soo nuuray Mugdi nuur shaay Macalimada aduunka Macneesaay igumaran Jaceel igu mehersan Marin kaagu waa Miskax dayda X2 Maankiyo kashaad Mirataaye miyir kaygiyey Ihor muuqo maamulka Hay ha maqnaanin Minit qura naftaan Maar maynine X2
Queue is empty
-- / --