Heesta Macalimadii aduunka - Lyrics
Malab kaad macanka
Ku dhaaftay miskigaad
Udgoon ka mataashay
Midab kaagu waa
Maariinka mas ciideed
Dhalaal lagu moosay
X2
Dulqaad mowluhu kugu
Miisay waxaad tahay
Midaan mar imaagin
Mur minoo xaqiiqda
Ka maagin ugu mudan
Mar wooyinka noolba
X2
Maanka iyo kashaad
Mirataaye miyir kaygiyey
Ihor muuqo maamulka
Igahay ha maqnaanin
Minit qura naftaan
Maar maynine X2
Murug tira xanuun Iga
Maydha malmaha dhib
Jira maareeya marka
Aan qaldamo qosol
Muujaay macaan kii
Ifkaay ku majiirtay
X2
Dayax soo nuuray
Mugdi nuur shaay
Macalimada aduunka
Macneesaay igumaran
Jaceel igu mehersan
Marin kaagu waa
Miskax dayda X2
Maankiyo kashaad
Mirataaye miyir kaygiyey
Ihor muuqo maamulka
Hay ha maqnaanin
Minit qura naftaan
Maar maynine X2