naftaan dilayaay ha ooyin
qalbiga dumayow adkayso
dantayda qofkaan utuuray
hadaad durba maanta wayday
daryeel marna igama waayin
dareen xiisaha abuura
intii dirac laga filaayay
dulqaad marna ma yareysan
magaran ma garan oo magaran
magaran dudmadiyo damiinka
magaran oo magaran ma garan
magaran dalbashada waraaqda
diidmada nacu uu dhacaaye
bal maad sabab ila yar doontid

naftaydaay samir dugaasho
jileeca damqashada yareyso
dartii waxaad udaashay
dadaalkii haduu khasaarshay
hubsiiimo la aanta dookhaa
dilkiisa jacaylka weeyi
taladaan degdega ku qaatay
fudaydkaan dambiga saaray
magaran ma garan oo magaran
magaran dudmadiyo damiinka
magaran oo magaran ma garan
magaran dalbashada waraaqda
diidmada nacu uu dhacaaye
bal maad sabab ila yar doontid
magaran ma garan oo magaran
magaran dudmadiyo damiinka
magaran oo magaran ma garan
magaran dalbashada waraaqda
diidmada nacu uu dhacaaye
bal maad sabab ila yar doontid

Exit mobile version