VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Qalbi dilla - Lyrics

bartii doogtiyo dilaaca lahayd digtoorkii kaliyee dareemi lahaa ayaa dooxoo isii damqayee sideen daawiyo dabiib u helaa xanuunkan tarmee daqiiqad i dayn midaan u damcee difaaci lahayd kolkaan daymada ku diirsan lahaa haday dugashada ku daadi lahayd miyaan digashada u daafad hayaa jacayl daranoon daryeelba lahayn hankan doqonkee ku sii durkayaa hadmuu qalbi dila ka soo durkayaa xiskiyo dookhii dihaalka badnaa darmaantii qudhii daryeeli lahayd ayaa dabartoo isii dagaysee sideen daaqiyo dugsiin u helaa bukaankan durkee darsiimo lahayn midaan u diree dawaafi lahayd kolkaan dakharada ku duubi lahaa haday daldalaad u daymi lahayd miyaan dar xumada dulqaadan karaa
Queue is empty
-- / --