VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Aragsan - Lyrics

aragsaneey waxaad tahay mid asluub u dhalatoo ixtiraam gobeed iyo imaanka lagu saday ugubeey filkaagiyo hablo aynigaaga asaagaa dhamaantood adaa ugu ilwaad roon kaa ooli maayee adaan kugu ducaystaa axdigaynu dhiganiyo ha iloobin wacadkii aagaan ku ababniyo arligii dadkeenaa arooskeena tagaynaa aragsaneey naftaydaa kaa dhigatay eheloo adigaan aduunyada ifka kuugu jecelay iniin soo baxaysiyo sida ubaxa beeraha indhahaad u roontoo ashqaraarbad galisaa inanyay waxaad tahay udugii dhulkeenee aadmiga dhamaantii adaan kaa amaanaa
Queue is empty
-- / --