Dadkan dhaqawaaqayaa
dhulkooga doonayaa
Haddey ku dhiidhiyeen
Allahayoow u dhiib

Waxaan la dhuubnahay
jidhkayga dhaawacaan
Idiin dhamaynayaa
dhagaha ma lihidiin

Dadkan dhaqawaaqayaa
dhulkooga doonayaa
Haddey ku dhiidhiyeen
Allahayoow u dhiib

Mise dad dhoohanoo
dhagaysan waanadoo
Warkaygu dhaafayoo
dhufaanan baad tihin

Dadkan dhaqawaaqayaa
dhulkooga doonayaa
Haddey ku dhiidhiyeen
Allahayoow u dhiib

Dhurwaaga meerayaa
kadinka uu u dhaco
Dhacaa ma jiidhayo
dharag ayuu fishaa

Dadkan dhaqawaaqayaa
dhulkooga doonayaa
Haddey ku dhiidhiyeen
Allahayoow u dhiib

Dhurdaha duulayaa
dhirtuu dalooshadaa
Malabka uu dhurtuu
jilaalka dheer cunaa

Dadkan dhaqawaaqayaa
dhulkooga doonayaa
Haddey ku dhiidhiyeen
Allahayoow u dhiib

Exit mobile version